EPL: Liverpool oo lafaha ka dhuuxday Arsenal +SAWIRRO

(Liverpool) 27 Agoosto 2017 Liverpool ayaa guul raaxo leh ka gaartay Arsenal oo marti u ahayd kadib ciyaar ku soo idlaatay 4-0.

Arsenal ayaa ku soo gashay ciyaarta qaab aad u liitay, xili Liverpool ay gacanta si buuxda ugu haysay maamulka ciyaarta.

17 daqiiqo Firmino ayaa hogaanka u dhiibay Liverpool kadib markii uu madaxeeyay kubadd uu soo qaaday Gomez, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

Liverpool ayaa halkeeda ka sii waday weerarka aan kala joogsiga lahayn ee ay ku qaadayeen goolka Arsenal.

40 daqiiqo Sadio Mane ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa kadib markii uu shabaqa dhex dhigay kubadd uu ka farsamaystay daafaca Arsenal oo ahaa mid liita, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-0.

Qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 2-0 oo ay hogaanka ku haysay kooxda tababare Jurgen Klopp.

Qaybtii dambe, Liverpool ayaa halkeeda ka sii waday fatahaada goolasha, Cech ayaana Salah ka badbaadiyay fursad uu ku dhalin karay gool.

57 daqiiqo Salah ayaa sii quusiyay Arsenal kadib markii uu dabamariyay goolhaye Cech kubadd uu ka soo qaatay qadka dhexe, wuxuuna ka dhigay 3-0.

77 daqiiqo Daniel Sturridge oo badal ku soo galay ciyaarta ayaa shabaqa dhex dhigay kubadd qurxoon oo uu u soo qaaday Salah, wuxuuna madax qurxoon daba mariyay goolhaye Cech, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 4-0.

Ciyaarta ayaana ugu danbayntii ku soo idlaatay 4-0 oo ay guushu ku raacday kooxda Liverpool.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close