Alexis Sanchez oo sameeyay arin uu ku xaqiijinayo inuusan ku qanacsanayn Arsenal

(London) 27 Agoosto 2017 Weerar yahanka reer Chile ee Alexis Sanchez ayaa muujiyay niyad jabka uu ka qabo inuu la sii joogo kooxdiisa.

Laacibka ayaa cadaadis xoogan ku saaraya kooxdiisa xaggaagan in laga iibiyo Manchester City oo dhankeeda diyaar la ah aduun dhan 70 milyan oo Ginni.

Alexis Sanchez ayaa ku soo bilowday kulankiisii ugu horeeyay ee xiliciyaareed kaan, laakiin laacibka ayaa goob joog u noqday guul daro xanuun badan oo ka soo gaartay Liverpool.

Wuxuuna soo dhigay Boggiisa Instagram-ka sawir uu aad u murugaysanyahay, waxaana loo fasirtay inuusan ku faraxsanayn u ciyaarida Arsenal.

Laacibka ayaa la filayaa inuu isaga tago Arsenal maalmaha yar ee ka harsan suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close