RASMI: Barcelona oo ugu dambeyn shaacisay saxiixeeda Ousmane Dembele

osman

(Catalonia) 25 Agoosto 2017.  Barcelona ayaa ugu dambeyn gacanta ku dhigtay oo dhammeystirtay saxiixa ay baryahan daba ordeysay ee Ousmane Dembélé.

Heshiiska ayaa ku kacaya 105 milyan oo bound iyo waliba 40% oo gunno ah oo lagu dari doono lacagaha lagu iibsaday.

Warbixin ay Maanta soo saartay kooxda reer Spain ayay ku xaqiijisay inay lacago rikoodh ka noqday kooxda kula soo wareegtay da’yarka reer France.

Marka la isku geeyo lacagaha uu Dembele ugu fadhiyo Barca ayaa waxay sii cago cagayneysaa 147 milyan oo bound.

Dhaliyaha Dortmund ayaa Isniinta tajaabada caafimaad u mari doona kooxdiisa cusub iyadoona lagu bur burin karo qandaraaska uu kula joogo kooxda ka arrimisa Camp Nou adduun dhan 400 milyan oo euro.

Wuxuu Isniinta saxiixi doonaa heshiis 5 sano ah iyadoona la soo bandhigi doono isla maalinkaa, wuxuuna kooxda u xiran doonaa NO. 11.

Wuxuu ku biiri doonaa saxiixyada cusub ay dhawaan sameysay Barcelona Marlon, Deulofeu, Semedo iyo Paulinho

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close