Muran xoogan oo dhex maray Ramos iyo Modric…(Maxaa la isku maagay???)

ramos

(Madrid) 25 Agoosto 2017. Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaan si qurux badan ku bilaaban xilli ciyaareedka cusub ee La Liga kaddib markii kaarka cas looga saaray kulankii ay Real Madrid ku furatay horyaalka usbuucii hore ciyaartii ay 3-0 uga adkaatay Deportivo.

Waxaa taa u dheereed inay kaamirooyinku soo qabteen Sergio Ramos oo dood kulan la yeelnaya Luka Modric intii uu socday kulanka.

Muranka xoogan ee u dhexeeyay labada laacib ee isku kooxda ah ayaa ka bilawday mar ay Deportivo diideen inay ciyaarta joojiyaan madaamaa uu dhulka yiilay Dani Carvajal oo jug soo gaartay.

The episode started when Dani Carvajal was fouled and Deportivo didn't play the ball out

Ramos ayaa wareysi uu bixiyay kulanka kaddib ku sheegay in labada kooxood ay isku af garteen inaan kubbada la joojin doonin haddii uu qof dhaawacmo maadaama ay iyagu markii hore diideen inay Carvajal dheesha u joojiyaan.

Real Madrid ayaa markeeda fursad soo martay oo waxaa dhulka la dhigay Zakaria Bakkali oo ka tirsanaa Deportivo sida xeerka kubbad wanaaga waa in la joojiyo ciyaarta maadaama uu qof dhaawacan yahay.

Balse maadaama ay Deportivo markii hore diideen inay ciyaarta u joojiyaan Carvajal, Ramos ayaa si la mid ah diiday in ciyaarta la joojiyo xilli uu dhulka yiilay Bakkali iyadoo ay xitaa jirtay in tababare Zidane ugu baaqay kabtanka inuu ciyaarta Joojiyo.

Incensed, Ramos (in possession) gets revenge when Zakaria Bakkali went down (top)

Yeelkeede, Ramos oo is dhago tiraya ayaa kubbadii sii waday isagoona u karoosay Modric oo kubbada qabtay isla markaana joojiyay ciyaarta waxa loogu yeero Fair Play, waxayse midaa si daran uga careysiisay Ramos oo u soo cararay dhanka Modric isagoo kula doodaya maxaad kubbada u wadi waysay iyaguba waa diideen inay markeena inoo joojiyaan.

Sikastaba, Romos oo iskala tuur tuur ka dhashay muranka ahaa maxaa kubbada loo joojin waayay ku qaatay kaarka Jaalaha ayaa dhammaadka dheesha qaatay Jaale kale kaddib markii uu suxul ku dhuftay mid ka mid ah xiddigaha Deportivo taa oo keentay in kaarka cas loo taago.

Despite the requests of his manager and gestures of the opposition, Ramos played on

Laacibka reer Spain ayaa iminka ka maqnaan doona Real Madrid kulanka ay usbuuca soo socda la yeelan doonaan Valencia maadaama laga soo diiday racfaan ay Los Blancos gudbisay.

DAAWO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close