Mino Raiola oo kula taliyay Messi inuu isaga tago Barcelona

Image result for Mino Raiola and Messi

(Barcelona) 25 Agoosto 2017 Mino Raiola oo ah mid kamid ah wakiilada ugu caansan kubadda cagta ayaa talo muhiim ah siiyay laacibka Barcelona.

Raiola ayaa u sheegay Messi inay isaga u fiicantahay inuu katago Barcelona waqtigaan isla markaana uu ku biiro koox kale si uu u cadeeyo inuu yahay laacib wayn.

Image result for Mino Raiola and Messi

49 jirkaan reer talyaani oo wakiil u ah ciyaartoy ay kamid yihiin Ibrahimovic, Pogba, Lukaku, Balotelli iyo kuwo kale oo badan ayaa la dhacsan in Messi uu niyad jabiyo Barcelona.

“Waxaa u haboon laacib Messi oo kale ah inuu ku sameeyo tijaabo kale koox ka duwan tiisa, si uu u sugo inuu yahay laacib wayn” ayuu yiri Mino Raiola.

Dhanka kale mar uu ka hadlay ku biiridii Neymar ee PSG ayuu yiri:

“Suuq ma jiro haatan, waayo dawlado ayaa haatan iibsanaya ciyaartoydii ee ma ahan kooxo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close