Klopp oo amaanay Wenger ka hor kulanka uu ka hortagayo axada

Image result for Klopp and Wenger

(Liverpool) 25 Agoosto 2017 Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa amaanay dhigiisa kooxda Arsenal ee Arsene Wenger.

Labada tababare ayaa isaga hor imaanaya mid kamid ah kulamada ugu adag isbuuca 3-aad ee horyaalka ingiriiska xiliciyaareed kan maalinta axada.

wenger klopp

Klopp ayaa sheegay inuu aad u ixtiraamayo wax qabadkii iyo taariikhdii uu horay u soo sameeyay tababaraha reer France.

“Wenger waa nin jecel shaqadiisa iyo kubadda cagta, isaga oo kaliya ayaa go’aan ka gaaraya marka uu ka tagayo xilka uu ka haayo Arsenal iyo dabcan maamulka kooxdiisa” ayuu yiri Klopp ka hor kulanka axada.

“Waan ixtiraamayaa wax walba oo uu horay u soo qabtay, waa tababare Wayn taariikh ahaan, walina wuxuu awood u leeyahay inuu waxbadan qabto taas ayaana muhiim ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close