David Villa oo looga yeeray xulka qaranka Spain si uu u buuxiyo booska Diego Costa

(Madrid) 25 Agoosto 2017 Gooldhaliyaha ugu sareeya xulka qaranka Spain ee David Villa ayaa fursad u helay markale inuu ka soo muuqdo xulkiisa.

35 jirkaan ayaan looga yeerin xulka tan iyo markii uu ka tagay horyaalka Spain isla markaana uu u dhaqaaqay kooxda New York City ee dalka maraykanka.

Tababare Julen Lopetegui ayaa u yeeray David Villa si uu u hogaamiyo weerarka xulka Spain kulamada ay la ciyaarayaan bisha September xulalka  Italy iyo Liechtenstein ee isreeb reebka koobka aduunka ee 2018 maadama aan loo yeerin Diego Costa oo aan haysan haatan koox uu u ciyaaro.

David Villa ayaa u saftay xulkiisa Spain 97 kulan isaga oo u dhaliyay 59 gool, wuxuuna markaan fursad u haystaa inuu ka mid noqdo ciyaartoyda xulka Spain u ciyaaray 100 kulan.

Liiska ciyaartoyda xulka Spain ee uu magacaabay tababare Julen Lopetegui:
Goolhaye: De Gea, Reina, Kepa.
Daafac: Jordi Alba, Azpilicueta, Bartra, Carvajal, Nacho, Monreal, Pique, Ramos.
Qad dhexe: Isco, Thiago, Busquets, Suso, Silva, Iniesta, Saul Niguez, Koke, Asensio.
Weerar: Aspas, Deulofeu, Vitolo, Morata, Pedro, Villa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close