Conte oo xaqiijiyay in Eden Hazard uusan taam u ahayn kulanka Everton

Image result for Hazard and Conte

(London) 25 Agoosto 2017 Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa xaqiijiyay in laacibkiisa Eden Hazard uu ka maqnaanayo kulanka axada ee Everton.

Chelsea oo guul dhib badan ka soo gaartay axadii hore kooxda Tottenham ayaa axada la ciyaari doonta Everton oo dhankeeda barbaro la soo gashay Man City.

Conte ayaa sheegay in Eden Hazard uu yahay laacibka kaliya ee aan diyaarka u ahayn kulankaas, wuxuuna intaa ku daray in laacibku uu caawa laciyaarayo ciyaartoyda da’yarta Blues.

“Waxaan rumaysanahay in laacibka kaliya ee aan sida buuxda taamka u ahayn uu yaha Eden Hazard, maanta ayuu kamid noqonayaa safka kooxda da’doodu ka hoosayso 23 jirada” ayuu yiri Tababare Conte ka hor kulanka axada.

Conte oo caro ka muujiyay in Eden Hazard oo dhaawac ah looga yeero xulka qaranka Belgium ayaa yiri:

“Waan la yaabanahay go’aankaas, waan ixtiraamayaa go’aanka tababaraha, haddii Hazard uusan taam ahayn ma ciyaarayo, taas ayaana sabab u ah inuusan anaga noo ciyaarin”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close