Arsenal oo go’aan kama danbays ah ka qaadanaysa Chamberlain 24-ka saac ee soo socda kadib markii uu diiday inuu saxiixo heshiis cusub

(London) 25 Agoosto 2017 Kooxda Arsenal ayaa qaadanaysa go’aan caaqibo leh kadib markii Alex Oxlade-Chamberlain uu diiday inuu u saxiixo heshiis cusub.

Sky Sports ayaa ogaatay in Arsenal ay go’aan ka qaadan doonto Alex Oxlade-Chamberlain 24-ka saac ee soo socda, kadib markii uu diiday inuu saxiixo heshiis uu isbuucii ku qaadanayo 180 kun oo Ginni.

Image result for alex oxlade chamberlain Liverpool and Chelsea

Kooxda ayaana u sheegaysa 24 jirkaan xulka ingiriiska inuu ka tagi karo kooxda haddii uu doono maadama hal sano oo kaliya ay uga harsantahay qandaraaskiisa Gunners.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa diirada u saaran kooxaha Liverpool iyo Chelsea oo ku loolamaya saxiixiisa suuqa kala iibsiga ee xaggaaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close