TOOS ula soco abaalmarinta & qori-tuurka guruubyada CL – LIVE

(Monte Carlo) 24 Agoosto 2017 – Waxaa haatan bilaabatay samaynta isku aadka CL heerkiisa guruubyada oo waqti xaadirkan ka soconaya Monte Carlo.

Abaal marinta Madaxwaynaha (UEFA President’s Award): Francesco TOTTI

Raggii horay ugu guulaystay waxay kala ahaayeen: Paolo Maldini, Alfredo Di Stéfano, Sir Bobby Charlton, Eusébio, Raymond Kopa, Franz Beckenbauer iyo Johan Cruyff.

Gool walahii ugu wanaagsanaa 2016/17 UEFA Champions League: Gianluigi Buffon.

Waxaa haatan la sharraxayaa hab-raaca dheriyada lakala geliyay kooxaha kala geddisan iyadoo aysan isku beegmi karin kooxaha isku guruubka ku jira, waxaa howsha ka qayb qaadanaya kombiyuutar lagu barnaamijeeyay.

Waxaa masraxa taagan Totti, Shevchenko iyo Buffon oo ka qayb qaadanaya qabashada kooxaha ku kala jira dheriyada yar yar.

Daafacii ugu wanaagsanaa 2016/17 UEFA Champions League: Sergio Ramos

Waxaa haatan la galay dheriga 2-aad oo ay kooxaha kasoo baxaya kaalinta 2-aad ka gelayaan guruubka.

Laacibka ugu wanaagsan khadka dhexe ee 2016/17 UEFA Champions League: Luka Modric

Weeraryahankii ugu wanaagsanaa 2016/17 UEFA Champions League: Cristiano Ronaldo

Markan waxaa miiska saaran xiddigga sanadka ee 2016/17 UEFA Champions League  oo ay iskula dheggan yihiin Leo Messi, Gianluigi Buffon iyo Cristiano Ronaldo. Sidoo kale gabadha sanadka ee UEFA ayaa lagu dhawaaqayaa.

Xiddigadda Lieke Martens ayaa noqotay gabadhii sanadkii tegey ugu wanaagsanayd 2016/17 UEFA Champions League

Xiddiggii sanad-ciyaareedkii tegey ee 2016/17 UEFA Champions League waa Cristiano Ronaldo.

Group A

Benfica

Man United

FC Basel

CSKA Moskow

Group B

Bayern Munich

PSG

RSC Anderlecht

Celtic  FC

Group C

Chelsea FC

Atletico de Madrid

AS Roma

Qarabag FK

Group D

Juventus FC

FC Barcelona

Olympiacos F.C

Sporting Club de Portugal

Group E

Spartak Moskva

Betis Sevilla

Liverpool FC

NK Maribor

Group F

Shakhtar Donetsk

Man City

SSC Napoli

Feyenoord

Group G

AS Monaco

FC Porto

Besiktas JK

RB Liebzig

Group H

Real Madrid

Borussia Dortmund

Tottenham Hottspur

Apoel FC

B

b13

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close