Ronaldo oo Taariikh cusub u dhigay Yurub iyo laacibka oo hadlay…+SAWIRRO

Ronaldo

(Monaco) 24 Agoosto 2917. Cristiano Ronaldo ayaa caawa dhigay taariikh cusub kaddib markii uu ku guuleystay abaal marinta laacibka ugu fiican qaarada Yurub.

Xiddiga reer Portugal ayaa abaal marinta ku garaacay Goolhaye Buffon iyo Lionel Messi.

Kabtanka xulka Portugal ayaa noqday laacibkii ugu horreeyay ebid taariikhda ee 3-jeer ku guuleysta abaal marinta UEFA Best Player ee laacibka ugu fiican Yurub.

Ronaldo ayaa codeyntii la sameeyay helay cod aad uga badan kuwii la tartamayay 482  halka Messi uu helay i (141) Buffon (109).

Ronaldo oo hadlay abaal marinta kaddib ayaa yiri:

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan joogo, waxaana sharaf ii ah inaan markale ku guuleysto abaal marintan.

“Waad mahadsan tihiin saaxiibadeyda kooxda sidoo kale iyana waan u hambalyeynayaa, aad baan u faraxsanahay, sidoo kale waxaan u mahad celinayaa taageerayaasha Real Madrid iyo qof kasta oo iga caawiyay inaan midan ku guuleysto.”.

SAWIRRO:

onal

UEFA Women's Player of the Year Award winner Lieke Martens joins Ronaldo on stage

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close