Maxaa ka jira in Barcelona iyo Borussia Dortmund ay ka heshiiyeen saxiixa Ousmane Dembele?

Image result for Ousmane Dembele Barcelona

(Barcelona) 24 Agoosto 2017 Wargayska L’Equipe ee dalka France ayaa baahiyay in kooxaha Barcelona iyo Borussia Dortmund ay ka heshiiyeen saxiixa Ousmane Dembele.

Maamulka kooxaha Barcelona iyo Borussia Dortmund ayaa la sheegay inay ku kulmeen magaalada Monaco halkaas oo lagu qaban doono qori tuurka wareega guruubyada ee Champions League.

Labada kooxood ayaana isku afgartay in Barcelona ay bixiso lacag dhan 130 milyan oo euro iyo 20 milyan oo ah lacag lagu dhamaynayo heshiiska, taas ayaana ka dhigan in qiimaha laacibku uu gaarayo 150 milyan oo euro.

Laakiin maamulka sare ee kooxda Borussia Dortmund Hans-Joachim Watzke ayaa u sheegay Sky Sport in uusan waxba ka ogayn heshiiska la sheegay in Ousmane Dembele uu ugu biirayo Barcelona.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close