Lukaku oo raali galin u soo diray Cristiano Ronaldo

luku

(Europe) 24 Agoosto 2017. Cristiano Ronaldo ayaa shalay boggiisa Instagram soo dhigay qoraal uu uga cabanayo ganaaxa 5-ta kulan ee laga qafiifin waayay waxaase yaab noqotay in dhaliyaha cusub ee Man United Romelu Lukaku uu halkaa ka soo bixiyay Comment aan loo baahnayn.

“Messi ayaa kaa fiican saaxiib,”sidaa ayuu u dhacayay Comment gii Lukaku.

Laakiin laacibka ayaa iminka soo hadlay isla markaana raali galin siyay cid kasta oo ka carootay wixii lagu soo qoray boggiisa Instagram isagoona sheegay in la jabsaday.

messs

“Sidaad ka warqabtaan shalay waxaa la jabsaday Akoonkeyga,” Lukaku ayaa sidaa soo qoray

“Waan soo laabtay iminka, Way isaga bixi karaan Boggeyga dadka isku dayaya inay igu aflagaadeeyaan waxaan dhihin aniga,”.

Lukaku posted this message on his account taking a dig at fans who believed he was responsible for the posts

Muuqaal kale uu soo dhigay Lukaku ayuu misane ku yiri:

“Waan ku soo laabtay iminka Instagram John Allen ayaa iga cawiyay.

“Sidaa darteed waan ku soo laabtay waxaana doonayaa inaan raali galin u diro dadka iga carooday laakiin wax kasta iminka waa la xakameeyay goor dhow ayaana idin arki doonaa.”.

Romelu Lukaku appeared to troll Cristiano Ronaldo on Instagram

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close