Isku aadka Champions League iyo abaal marinta laacibka sanadka ee Yurub…(AQRISO waxkasta oo aad uga baahan tahay)

ch

(Europe) 24 Agoosto 2017. Waxaa caawa la sameyn doonaa isku aadka wareega group yada ee Champions League iyadoo sidoo kale la bixin doono abaal marinta laacibka sanadka ee Qaarada hodanka ah ee Yurub.

Waxaa wareega group yada si toos ah ugu soo gudbay markii hore 22 kooxood halka 10 ka kale ay xalay iyo habeen hore ka soo bexeen isreeb reebka kuwaa oo kala ah.

Napoli, Sporting, Sevilla, CSKA Moscow, Qarabag, APOEL, Olympiacos, Celtic, Maribor iyo Liverpool.

Haddaba goorma ayaa la sameynayaa isku aadka?

Waxaa la sameyn doonaa 24-ka Agoosto, caawa marka ay saacadu ku beegan tahay 7:00 Fiidnimo.

Halkuu ka dhacayaa?

Wuxuu ka dhici doonaa Grimaldi Forum, magaalada Monaco ee dalka Faransiiska:

Waa kuwee kooxaha loo sameynayo isku aadka wareega Group-yada:

Waxaa loo sameyn doonaa 32-kooxood kuwaa oo lagu kala ridayo Dhariyo kala duwan:

Dhariga koobaad (Kooxaha ku soo guuleystay horyaalada)

Real Madrid (ESP)

Bayern München (GER)

Juventus (ITA)

Benfica (POR)

Chelsea (ENG)

Shakhtar Donetsk (UKR)

Monaco (FRA)

Spartak Moskva (RUS).

Dhariga Labaad:

Barcelona

Atletico Madrid

Paris St-Germain

Borussia Dortmund

Sevilla

Manchester City

Porto

Manchester United

Dheriga saddexaad:

Napoli

Tottenham

Basel

Olympiakos

Anderlecht

Roma

Besiktas

Liverpool

Dheriga Afaraad:

Celtic

Feyenoord

Maribor

Leipzig

CSKA Moscow

FK Qarabag

Sporting Lisbon

Apoel Nicosia.

FIIRO GAAR AH: La iskuma aadin doono kooxaha isku dalka ka soo jeeda.

Goorma ayaa la ciyaarayaa kulamada Wareega Group-yada:

12-13 September: Kulamada koowaad.

26-27 September: Kulamada Labaad.

17-18 October: Kulamada Saddexaad:

31 October-1 November: Kulamada Afaraad.

21-22 November: Kulamada shanaad.

5-6 December: Kulamada Lixaad.

Maxaa intaa kaddib dhacaya?

Labada kooxood ee ugu sarreysa sideeda Group ayaa u soo gudbi doona wareega 16-ka kaa oo isku aadkiisu dhici doono 11 December Magaalada Nyon., Sideeda kooxood ee kale oo ku soo baxay kaalinta 3-aad ayaa iyana aadi doona Europe League isku aadkiisa wareega 32-aad kaa oo  isna la sameyn doono isla maalinkaa.

Maxaa kaloo caawa ka dhici doona magaalada Monaco ee lagu sameynayo isku aadka:

ff

Waxaa la bixin doono abaal marinta laacibka ugu fiican ee qaarada Yurub oo ay ku tartamayaan Cristiano Ronaldo (Real Madrid), Lionel Messi (Barcelona) iyo Gianluigi Buffon (Juventus).

Sidoo kale laacibada ugu fiican Qaarada Yurub ayaa la bixin doonaa.

Waxaa kaloo ka mid ah abaal marinada la bixinayo:

Goolhayaha ugu fiican oo ay ku tartami doonaan, Gianluigi Buffon (Juventus), Manuel Neuer (Bayern Munich), Jan Oblak (AtleticoMadrid).

Daafaca ugu fiican:

Leonardo Bonucci (Juventus – now AC Milan), Marcelo (Real Madrid), Sergio Ramos (Real Madrid).

Qadka Dhexe ee ugu fiican Yurub:

Casemiro (Real Madrid), Toni Kroos (Real Madrid), Luka Modric (Real Madrid).

Weerarka ugu fiican:

Paulo Dybala (Juventus), Lionel Messi (Barcelona), Cristiano Ronaldo (Real Madrid).

Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close