Goolhayaha ugu fiican, daafaca ugu fiican, qadka dhexe ee ugu fiican iyo waliba weerarka ugu fiican ee Yurub

(Monaco) 24 Agoosto 2017. Naadiga Real Madrid ayaa urursatay inta badan abaal marinadii caawa lagu bixiyay magaalada Monaco.

Cristiano Ronaldo ayaa loo caleemo saaray laacibka sanadka ee qaarada Yurub.

Daafaca ugu fiican, qadka dhexe ee ugu fiican iyo weerarka ugu fiican ee Yurub waxaa dhammaan wada dal dashay kooxda Cad cad ka kaliya Goolhaye Buffon ayaa abaal marinta ka harsan qaatay.

Buffon ayaa abaal marinta goolhayaha ugu fiican ku garaacay Manuel Neuer (Bayern Munich) iyo Jan Oblak (Atletico Madrid).

Serigo Ramos ayaa isna abaal marinta daafaca ugu fiican ku garaacay Leonardo Bonucci (Juventus, balse iminka u safta Milan) iyo saaxiibkii Marcelo.

Qadka dhexe ee ugu fiican waxaa ku wada tartamayay saaxiibo isku koox ah, Modric ,Casemiro iyo Kroos, waxaana gacanta ku dhigay xiddiga reer Croatia ee Luka Modric.

DIAjJsJXoAAdWMk

Ronaldo ayaa abaal marinta dhaliyaha ugu fiican ku garaacay Dybala iyo Lionel Messi.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close