“Saaxiib Messi aa kaa shidan.”. Lukaku oo Twitter-ka uga jeex jeexay Cristiano Ronaldo

luku

(Europe) 23 Agoosto 2017. Cristiano Ronaldo ayaa goor dhaweyd soo dhigay boggiisa Twitter-ka qoraal kulul uu uga soo horjeedo ganaaxii 5-ta kulan ee la dul dhigay, waxaase yaab noqotay in dadkii Comment ka soo bixiyay uu ka mid ahaa Lukaku oo ku digtay laacibka reer Portugal.

Balse su’aasha la is waydiinayo ayaa ah ma isaga qudhiisa ayaa soo qoray qoraalka mise waxaa la jabsaday cinwaankiisa?.

Saakay aroortii ayaa waxaa la jabsaday barta Twitter ka ee kooxda Barcelona iyadoona lagu shaaciyay inay la soo saxiixdeen Angel Di Maria.

“Messi ayaa kaa fiican saaxiib,” Sidaa ayuu u qornaa commentiga uu Lukaku ka bixiyay qoraalkii uu Instagram soo dhigay Ronaldo.

Cristiano Ronaldo Romelu Lukaku Instagram Comment

Waxay arrinkan ka carreysiisay taageerayaasha Manchester United oo iyagu u arka inuu ahaa rugcadaa maadaama uu guulo wayn kooxda ku hogaamiyay waqtigii uu ku sugnaa Old Trafford.

Laakiin taageerayaasha Qaar ayaa aaminsan in la jabsaday cinwaanka Lukaku si la mid ah sidii saakay loo jabsaday Twitter ka kooxda Barcelona oo kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close