Real Madrid oo laga soo diiday racfaankii ay ka qaadatay casaankii Sergio Ramos

Ramos casaan

(Madrid) 23 Agoosto 2017 Kooxda ka dhisan caasimada Spain ayaa wajahaysa dhibaato cusub kadib markii laga soo diiday racfaankii ay ka qaadatay casaankii kabtan Ramos.

Sergio ayaa lagasaaray dhamaadkii ciyaarta, kulankii kooxdiisu ay 3-0 uga adkaatay Deportivo furitaanka horyaalka Spain.

Gudiga anshaxa ee xiriirka kubadda cagta Spain ayaa goor dhaw soo diiday racfaankii Real Madrid, taas ayaana ka dhigan in Ramos uu ka maqnaanayo kulanka Valencia.

Waa racfaankii labaad oo Real Madrid laga soo diido maalmo kooban gudahood kadib racfaankii kooxdu ay ka qaadatay ganaaxa Ronaldo oo horay loo soo diiday.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close