RASMI: Tottenham oo dhamaystirtay saxiixa goolhayihii Southampton ee Paulo Gazzaniga

(London) 23 Agoosto 2017 Kooxda Tottenham ayaa si rasmi ah u shaacisay dhamaystirka saxiixa goolhayihii Southampton ee Paulo Gazzaniga.

25 jirkaan reer Argentina ee Paulo Gazzaniga ayaa qalinka ugu duugay kooxda reer London heshiis ku eg ilaa 2022.

Paulo Gazzaniga ayaa u xira doona kooxdiisa cusub funaanada lambarkeedu yahay “22”, wuxuuna noqonayaa saxiixii ugu horeeyay ee kooxdu ay samayso suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Mauricio Pochettino ayaa ogaaday in kooxdiisu ay u baahi qabto inay iska adkeyso booska goolhayaha kadib guul daradii ka soo gaartay Chelsea axadii.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close