PSG oo dalab lama filaan ah ka gudbisay Pepe Reina

Image result for Pepe Reina PSG

(Paris) 23 Agoosto 2017 Kooxda reer France ee PSG ayaa dalab lama filaan ah ka gudbisay goolhayaha reer Spain ee kooxda Napoli Pepe Reina.

Sky Italia ayaa daaha ka qaaday in PSG ay ka soo gudbisay Pepe Reina dalab ku kacaya 7 milyan oo euro si ay ula wareegto xaggaagan.

Qandaraaska Pepe Reina ee kooxda Napoli ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kan, shalay ayaana la baahiyay in Napoli aysan diyaar u ahayn inay ka saxiixdo heshiis cusub.

PSG ayaa u soo bandhigtay goolhayihii hore ee kooxda Liverpool heshiis uu sanadkii ku qaadanayo 3.5 milyan oo euro.

Waxaa la filayaa in madaxwaynaha Napoli ee Aurelio De Laurentiis uu iska diidi doono dalabka Pepe Reina uga yimid PSG.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close