Mourinho oo u sheegay ciyaaryahanada Man United tirada koobabka uu ka rabo ololahan

(Manchester) 23 Agoosto 2017. Jose Mourinho waxa uu ku wargaliyey ciyaaryahanadiisa in ay qaadaan ololahan labada koob ee kala ah Premier League-ga ah iyo FA Cup-ka.
Tababbaraha yoolkiisa waxa uu daaha uga rogay safkiisa intii lagu jiray kulamadii diyaar garowga.
Waxa uu sheegay in beegsigooda uu ahaado qaadidda labadan koob iyo ugu yaraan gaaridda sideed dhammaadka Champions League-ga.
Si heer sare ah ayey ku bilowday Man United xilli ciyaareedkan iyada oo mid 4-0 ku badisay labadii kulan ee ugu horreeyey.
Laakiin Mourinho aad ayuu kalsooni u qabaa waxa uuna sare u qaaday hadafka kooxda ee ololahan.
Ilo wareed ka tirsan kooxda ayaa laga hayaa: “Bartilmaameedka uu u qabtay ciyaaryahanada ayaa muujineysa kalsoonida uu ku qabo kooxdan.
“Waxa uu ka dhigay in ay aaminaan waxa lagu guuleysan karo waxaana ka kira kalsooni safka wey sameyn karaan.”
Mourinho ololihiisii ugu horreeyey laba koob oo maxali ah ayuu qaaday sida Community Shiled-ka iyo Capital One Cup waxa uuna ku daray Europa League.
Gool FM.