Didier Deschamps oo aan xulka France ku soo dari doonin Karim Benzema

Image result for Karim Benzema France

(Paris) 23 Agoosto 2017 Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa u muuqda mid aan wali ku qanacsanayn weerar yahanka Real Madrid ee Karim Benzema.

L’Equipe ayaa baahisay in tababare Deschamps uu go’aansaday in Karim Benzema uusan u yeerin kulamada xulka France uu ciyaarayo bisha soo socota.

karim-benzema-real-madrid-borussia-dortmund-champions-league_mww7s5yw2v5m1c2n3393iuvu6

Xulka France ayaa la ciyaari doona xulalka Holland iyo Luxembourg bisha September, xili xulku uusan haysan weerar yahan wayn marka laga soo tago Lacazette.

Kylian Mbappe iyo Ousmane Dembele ayaa dhankooda ka maqnaanaya xulka France maadama labada laacib ay dhibaato ka haysato kooxahooda.

Karim Benzema ayaa la filayay in lagu soo daro xulka laakiin wargayska ayaa sheegay in weerar yahanka Real Madrid aan lagu soo dari doonin xulka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close