AC Milan oo gaartey magaalada Skopje + Sawirro & Muuqaallo

(Skopje) 23 Agoosto 2017 – Kooxda AC Milan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Marco Fassone , ayaa galabta ka dhooftay gegada caalamiga ah ee Malpensa ee magaalada Milano iyadoo gaartey magaalada Skopje ee caasimadda Macadonia oo ay berri kula ballansan tahay Shkendija lugta 2-aad ee usoo bixitaanka Europa League.

Macallin Montella oo warfidiyeenka la hadlay kaddib markii ay tageen Skopje ayaa warbaahinata u qishay in berri ay dhici karto inuu ciyaaro shaxda 3-5-2 oo la rumaysan yahay inay tahay midda ay Milan sanadkan ku socon doonto.

“Isku si baannu u qiimaynaynaa Serie A iyo Europa League, berri waa Europa League, sidaa darteed, waxaannu diiradda saaraynaa ciyaartan,” ayuu Vincenzo Montella shirka jaraa’id ka sheegay.

“Waxaannu ciyaari doonnaa shax kale sababo kale oo badan dartood, ugu horreeyn waxaan haysannaa koox ballaaran, marka xigta kaddib ciyaarta Axadda ee Serie A ee Cagliari waxaa loo bixi doonaa biririgta ciyaaraha caalamiga ah, lkn waxaa noo xigi doonta inaan 3dii maalmoodba aannu mar ciyaarno, marka inaannu marba koox safno waxay noqon doontaa caadi.” ayuu raaciyay.

Dhanka kale, waxaa fiidkan casho sharaf wada jir ah ka qayb qaadanaya AC Milan iyo maamulka Shkendija taasoo ka dhacaysa magaalada ay kooxdani deggan tahay ee Tetovo, oo ah sidoo kale guriga macallin Qatip Osmani.

Waxaa sidoo kale cashada jooga sida ku qoran MilanNews.it qaybteeda Macedonia, Srgjan Kerim, oo QM ka tirsanaa iyo maalgeliyayaal taageera kooxda Shkendija.

 

b

b b1 b2 b3 b4 b5 b7 b8 b9 b10 b12 b13 b14 b16 b17 b19 b21

b11 b12 b13 b14 b16

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close