LAMA FILAAN: Laacibka diirada u saaran Barcelona ee Jean Seri oo jecel inuu ku biiro Real Madrid

Jean Seri

(Barcelona) 22 Agoosto 2017 Barcelona ayaa aad ugu sii dhawaanaysa dhamaystirka saxiixa laacibka kooxda Nice ee Jean Seri.

Balse waxaa la ogaaday in laacibku uu aad u danaynayo ku biirida kooxda uu hogaamiyo tababaraha reer France ee Real Madrid.

zinedinezidane-cropped_1xglchohl9o8e1xg5iih4d4u7v

Express ayaa daaha ka qaaday, in Jean Seri uu haatan ku dhawyahay xirashada funaanada Barcelona inkasta oo uu aad u jeclaa ku biirida Real Madrid.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Jean Seri uu si toos ah ula hadlay tababare Zidane si uu uga mid noqdo kooxdiisa laakiin Zidane ayaa u sheegay in haatan kooxdiisu aysan u baahnayn laacib qad dhexe ah maadama ay haystaan ciyaartoy badan oo ka ciyaara booskiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close