Jean Seri oo maanta macsalaamaynaya kooxdiisa Nice si uu ugu biiro Barcelona

Jean Seri

(Barcelona) 22 Agoosto 2017 Laacibka reer Ivory Coast ee Jean Seri ayaa maanta la filayaa inuu macsalaameeyo asxaabtiisa kooxda Nice.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in Barcelona iyo Nice ay wada gaareen heshiis kama danbays ah kadib markii kooxda reer Spain ay ogolaatay inay bixiso qiimaha lagu burburin karo qandaraaska Jean Seri oo ah 40 milyan oo euro.

Di Maria Jean Seri

Jean Seri ayaa qalinka ugu duugi doona Barcelona heshiis 4-sano ah, heshiiska ayaana la shaacin doonaa wixii ka danbeeya kulanka Nice ay caawa la ciyaarayso Napoli isreeb reebka wareega guruubyada ee Champions League.

26 jirkaan ayaana caawa macsalaamaynaya ciyaartoyda kooxdiisa maadama loo aqoonsaday kulankaas kiisii ugu danbeeyay ee kooxda reer France.

Idaacada RMC ee dalka France ayaa dhankeeda baahisay in Jean Seri uu noqon doono laacib ka tirsan Barcelona ka hor jimcada soo socota.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close