Guardiola oo ka hadlay wararka kooxdiisa la xiriirinaya Lionel Messi

Image result for guardiola Messi

(Manchester) 22 Agoosto 2017 Tababare Pep Guardiola ayaa ka hadlay wararka kooxdiisa la xiriirinaya laacibka Barcelona ee Lionel Messi.

Guardiola ayaa sheegay inuu bixinayo qiimaha lagu burburin karo qandaraaska Messi haddii uu awoodo xaggaagan.

Messi City 1

Messi ayaan wali saxiixin heshiis cusub oo uu afka uun kala gaaray maamulka kooxdiisa, Man City ayaana la ogsoonyahay inay si wayn u doonayso laacibka reer Argentina oo 300 milyan oo euro lagu burburin karo qandaraaskiisa.

“Waxba kama ogi inay jiraan wadahadalo iyo inkale” ayuu yiri Pep Guardiola oo wax laga waydiiyay wadahadalada kooxdiisu ay kula jirto Messi.

“Laakiin waxaa jira dad Messi dartiis u bixin kara 300 milyan oo euro, haddii aan haysto lacagtaas waa suurogal inaan anaga noqono”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close