Gary Neville oo dalbaday in Rooney aan laga saarin xulka qaranka ingiriiska

Image result for Gary Neville and Rooney

(London) 22 Agoosto 2017 Kadib qaab ciyaareedkii wacnaa ee Wayne Rooney uu ku soo bandhigay kooxdiisa Everton kulankii xalay waxaa soo baxaya awooda laacibku uu markale ku hogaamin karo xulkiisa koobka aduunka ee 2018.

Shaki badan ayaa laga muujiyay in Wayne Rooney uu qayb ka noqon karo ciyaartoyda xulka qaranka ingiriiska u matali doona koobka aduunka ee 2018 kadib markii ay iska iibisay Man United.

Image result for Gary Neville and Rooney

Laakiin Gary Neville ayaa dalbanaya in Rooney aan laga saarin xulka maadama uu soo bandhigayo qaab ciyaareed wanaagsan.

“Ma jirto sabab keeni karta in lagu fikiro in Rooney aan lagu soo darin xulka” ayuu yiri Gary Neville

“Gaar ahaan xili laacibku uu soo bandhigayo qaab ciyaareed wanaagsan, isla markaana uu leeyahay khibrada ay u baahanyihiin ciyaartoyda da’da yar”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close