Faah faahinta heshiiska Isco uu u saxiixayo Real Madrid oo daaha laga rogay

isco

(Madrid) 22 Agoosto 2017 Kubadd abuuraha reer Spain ee Isco ayaa ku dhaw inuu qalinka ugu duugo kooxdiisa Real Madrid heshiis cusub.

AS ayaa daaha ka qaaday in Isco uu ogolaaday inuu saxiixo heshiis cusub kadib markii tababare Zidane uu soo muujiyay inuu ku qanacsanyahay qaab ciyaareedka laacibkiisa.

Isco ayaa qalinka ugu duugaya Real Madrid heshiis dhacaya ilaa 2022, waxaana ku jira heshiiska in lagu dari karo sanad kale oo dheeri ah taas oo ka dhigan in la gaarsiin karo ilaa 2023.

25 jirkaan ayaa kor loo qaadayaa mushaarkiisa, wuxuuna sanadkii qaadan doonaa 6 milyan oo euro haddii uu saxiixo heshiiskaan cusub.

Qiimaha lagu burburin karo qandaraaska Isco ee Real Madrid ayaana la gaarsiinayaa ilaa 500 milyan oo euro.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close