Catoosh oo maalintii labaad  tababar la qaatay kooxda Heegan

(Muqdisho) 22 Agoosto 2017. Ciyaaryahankii hore kooxda  Dekedda Cabdicasiis Catoosh ayaa maalintii labaad tababar la qaatay kooxda  Heegan oo ka mid ah naadiyada ugu awooda badan dalkeena Soomaaliya.

Laacibka guran  oo aan xiriir la sameynay ayaa inoo xaqiijiyay in shalay iyo manta uu tababar la qaatay  kooxda  Ciidanka booliska oo xiddigan si weyn loola xiriirinayay .

Macallinka naadiga Heegan Gidaamoow ayaa isna inoo sheegay in goolhaye  Mustaf Nakuja,Baazi Maxamed Baana iyo Catoosh ay kooxda heshiis la gashay isagoo sheegay in maalmaha soo aadan ay soo bandhigi doonaan.

IMG_0274-1

Catoosh ayaa ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan dalkeena Soomaaliya, waxa uuna horay u soo maray Horseed,Jeenyo iyo Dekedda isagoo kula guuleystay koobab kala duwan.

Heegan ayaa horay u heysatay weerar aad u xoogan oo ay qeyb ka yihiin  Jabriil Xasan Fariid, Bile Muxudiin,Deeq Aaryo iyo Cabdoow sidoo kale waxaa kooxda ku sugan weeraryahano da’yar oo uu qeyb ka yahay Cabdirsaaq Zalatan.

IMG_8089

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close