Beentii ugu waynayd kubadda cagta  (Pelé walaalkiis ayuu darbo ku dilay)

wc 1966 brasil bulgaria pele9

(Muqdisho) 22 Agoosto 2017-Waa beentii ugu weyneed ee kubadda cagta dalkeena maxaa yeelay xiligii caruurnimada ayaa sheekadaan  si weyn ay u hadal hayeen dhalinyaro isboorti barad ah.

Sida la wada ogsoon yahay Pele ayaa ahaa xiddiga tuura darbo xoogan, taasoo hal la qabsi loogu dhigay Pelé walaalkiis ayuu darbo ku dilay.

Sheekadaan oo ah mid aan sal iyo raad laheyn ayaa ka bilaabaneysa in Pele uu walaalkiis ku war galiyay in uusan kasoo hor jeysan ama uu dhib kala kulmi doono,markii labada xiddig ay isku arkeen kullan kala bax ah waa sida ay sheekadu tahayee.

Pele oo ka careysan ka hor imaanshaha walaalkiis oo goolhaye ah, ayaa u tagay hooyadii  isagoo u sheegay in wiilka la dhashay uu seego ciyaarta mahadaama uu tuuro darbo xoogan.

Ninka la sheegay in uu yahay goolhaye lana dhashay Pele waa uu diiday in uu seego kullanka , waxa uuna ku adkeystay in uu safto dheesha.

Waxaa la gaaray waqtigii ciyaarta ay billaabaneysay xilli kullanka ay daawanayeen  waalidiinta dhalay xiddigaha wallaalaha ah.

Ciyaarta oo qeybtii hore socota ayaa gool-ku laad loo dhigay Pele, waxa uuna markale digniin siiyay walaalkiis oo u sheegay in uu ka baxo goosha.

Sheekada beenta ah ayaa leh Pele lugta midig ayuu ku ciyaari jiray,markii loo dhigay riggoorada ayuu wadnaha ku dhuftay walaalkiis halkaas ayuuna ku geeriyooday goolhayihii.

Kaddib waxaa soo baxay go’aan adag oo xiddiga reer Brazil ayaa kaarka cas laga siiyay lugta midig, waxaana lagu war galiyay in hadii uu ku taabto kubad loo soo baasay xitaa ay lamid tahay isagoo gacan ku taabtay.

Pele waxa uu ku ciyaari jiray kaliya lugta bidix,maxaa yeelay sheekada ayaa leh xiddiga waxaa rooso laga siiyay lugta midig.

Waa beentii ugu weyneed ee dalkeena iyo fahamka kubadda cagta

W/D: Mahad Shariif Jilacoow

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close