Bayern Munich oo ku soo biirtay tartanka saxiixa Julian Draxler

Image result for Julian Draxler bayern munich

(Munich) 22 Agoosto 2017 Kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa Julian Draxler.

Sida ay baahisay The Sun, Bayern Munich ayaa diyaar la ah aduun dhan 36.5 milyan oo euro si ay ula wareegto Julian Draxler suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Image result for Julian Draxler bayern munich

Waxaana suurogal ah in heshiisku uu gaaro ilaa 40 milyan oo euro kadib markii laacibku uu ka soo hor jeestay inuu fariisto kursiga keydka PSG xiliciyaareed kaan.

Mustaqbalka Julian Draxler ee PSG ayuu soo wajahay mugdi wayn kadib markii kooxda reer France ay la soo wareegtay Neymar kaas oo kala baxay safka hore ee kooxda.

Julian Draxler ayaa doonaya inuu ka tago PSG si uu ugu biiro koox uu ka helayo boos joogto ah maadama uu doonayo in xulkiisa uu u ciyaaro koobka aduunka ee 2018.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close