Adidas oo ka shiftay lambarka uu Ibrahimovic u xiran doono Man United

Ajax v Manchester United - UEFA Europa League Final

(Manchester) 22 Agoosto 2017. Waxaa dhawaanahanba Zlatan Ibrahimovic lala xiriirinayey ku soo laabashada Manchester United.

Xiddigga reer Sweden waxa qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Man United looga fasaxay kooxda bilowgii xagaagan kaddib dhaawac hareeyey.

Waxa uu ahaa dhaliyaha Red Devils ugu sarreeya balse imaanshihii Romelu Lukaku ayaa la qabay in ay daaqa ka saartay mustaqbalkiisa Old Trafford.

Hase ahaatee, dhawaan ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in sanad qandaraas ah la siin doono.

ibra-101-e1503390309103

Su’aal badan ayaa ka taagneyd lambarka uu u xiran doono kooxda maadama kii uu watay la siiyey Lukaku oo saddex gool dhaliyey labadiisii kulan ee ugu dambeeysay.

Yeelkeede, Adidas oo funaanadda u soo saarta United ayaa si aan ula kac ahayn u soo bandhigtay lambarka uu qaadan doono Zlatan hadii uu ugu dambeyn ku soo laabto.

Waa lambarka 10-aad ee uu baneeyey Weyne Rooney.

Waxa ay ku shaacisay Website-keeda Mareykanka!

ibra-10-2-e1503390255950

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close