Taageerayaasha Juve & Milan oo baraha bulshada isku helay kaddib warka Marchisio la xiriirinaya AC Milan + Sawirro

(Torino) 21 Agoosto 2017 – Waxaa maanta hawada soo galay warar la isla dhexmarayo oo tibaaxaya in laacibka Juve kusoo barbaaray ee Claudio Marchisio ay doonayso kooxda AC Milan isagoo maraya jidkii Bonucci.

Yeelkeede, aabaha Marchisio ayaa warkan beeniyay isagoo is waydiiyay halka uu ka yimid maaddaama sida uu yiri uusan waxba kala soconin.

“Daacaddii ma aqaanno halka ay ka timi ku tiri ku teentan aanan ogayn halka ay kasoo baxday,”  ayuu Stefano Marchisio u sheegay calciomercato.it.

Yeelkeede, baraha bulshada ayaa markiiba arrintan aad loogu qaad qaaday, iyadoo laacibiinta Juve oo horay uga xanaaqsanaa in Leonardo Bonucci ku biiro kooxda San Siro, ay walaac ka muujinayaan arrintan, taageere ayaa soo qoray sidatan: ”Haddii ay arrintani run noqoto sanad baan joojin doonaa taageerada Juve, deedna waxaan ka fikiri doonaa wixii aan yeeli lahaa”.

Taageerayaasha Milanista-ha ah ayaa iyaguna bilaabay hash-tag ay cinwaan uga dhigeen: ”Waan ku sugaynaa MARCHISIO!”.

Hoos ka eeg sawirrada iyo Twitter-da is dhaafaya baraha bulshada.

b b1 b2 b3 b4 b5 b6 b7 b8 b9 b10 b12 b13 b14 b15 b16 b17 b18 b19 b21 b22 b23 b24 b26

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close