Chelsea oo xadiday qiimaha ay ku iibinayso Diego Costa

costaaaa

(London) 21 Agoosto 2017 Kooxda Chelsea ayaa xadiday qiimaha ay ku iibinayso weerar yahankeeda Diego Costa kaas oo uusan la dhacsanayn tababare Conte.

Tababaraha reer talyaani ayaa fariin uu ugu diray taleefankiisa ugu sheegay Diego Costa inuusan ku jirin qorshihiisa xiliciyaareedkaan cusub.

Milkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich ayaa u arka in Diego Costa lagu iibiyo 65 milyan oo euro, waana qiimo qaali ah marka loo fiiriyo laacib aan laga doonayn kooxdiisa sida ay daabacday Daily Mail.

Wargayska Marca ee ka soo baxa Spain ayaa dhankiisa baahiyay in Atletico Madrid ay niyad jab ka muujinayso saxiixa Diego Costa maadama aysan diyaar u ahayn inay bixiso wax ka badan 55 milyan oo euro.

Diego Costa ayaa ku sugan dalkiisa Brazil, wuxuuna diiday inuu qayb ka noqdo ciyaartoyda Blues ee xiliciyaareed kaan ka qayb qaadanaya tababarka kooxda inta laga iibinayo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close