Wembley waa garoon aan u wanaagsanayn Tottenham (Warbixin)

Image result for Wembley and Tottenham

(London) 20 Agoosto 2017 Tottenham ayaa loo ogolaaday inay ku ciyaarto garoonka xulka qaranka ingiriiska ee Wembley kadib markii ay bilaabeen inay dhistaan garoon cusub.

Kulankii ugu horeeyay ee horyaalka ingiriiska ay ku ciyaaraan garoonka Wembley ayaa goor dhaw looga adkaaday 1-2.

Guul daradaas ka soo gaartay Chelsea ayaa ka dhigan in Tottenham ay guul daraysatay 7-kulan 10-kii kulan ee ugu danbeeyay ee ay ku ciyaartay Wembley.

10-kii kulan ee ugu danbeeyay ee Tottenham ay ku ciyaartay Wembley waxay guulaysatay kaliya hal kulan, waxay barbaro gashay 2-mar waxaana laga adkaaday 7 kulan.

Wembley ayaana loo aqoonsaday garoon nasiib xumo u xanbaarsan kooxda Tottenham.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close