Serie A: Roma oo guul ku furatay horyaalka talyaaniga kadib guul ay ka gaartay Atalanta +SAWIRRO

(Bergamo) 20 Agoosto 2017 Aleksandar Kolarov ayaa ka caawiyay kooxdiisa cusub ee Roma inay guul ka gaarto Atalanta kulankii ugu horeeyay ee horyaalka talyaaniga xiliciyaareed kan.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si xiiso leh, ciyaartoyda Roma ayaana garoonka la soo galay firfircooni badan.

31 daqiiqo saxiixooda cusub ee Aleksandar Kolarov ayaa hogaanka u dhiibay Roma, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

Roma ayaa kadib iska khasaarisay fursado badan, halka Atalanta aysan ka liidan oo ay samaysay isku dayo dhawr ah, laakiin qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku haysay Roma.

Qaybtii dambe, Atalanta ayaa awooda isugu gaysay sidii ay ku soo gudi lahayd goolka laakiin Roma ayaa ka hor istaagtay isku day walba.

85 daqiiqo Atalanta ayaa ku dhawaatay inay hesho goolka barbaraha laakiin kubadda ayaa ku dhacday birta.

Ciyaarta ayaana ugu danbayntii ku soo idlaatay 1-0 oo ay guushu ku raacday Roma.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close