Manchester City oo dalab qaali ah ka gudbinaysa Alexis Sanchez

(Manchester) 20 Agoosto 2019 Kooxda tababare Pep Guardiola ayaa isku diyaarinaysa inay Arsenal hordhigto dalabkii ugu danbeeyay ee ay ku doonayaan Alexis Sanchez.

Sida ay baahisay Mirror, Manchester City ayaa diyaarsatay lacag dhan 70 milyan oo Ginni si ay ugu qanciso Arsenal iibka Alexis Sanchez ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Pep Guardiola iyo asxaabtiisa kula sugan garoonka Etihad ayaa cadaadis saaraya Sanchez ilaa saacada ugu danbaysa suuqa kala iibsiga dhamaadka bishaan maadama ay ku rajo waynyihiin in Gunners ay ka iibinayso laacibkeeda.

Alexis Sanchez ayaa Arsenal la qaadanaya sanadkiisii ugu danbeeyay ee qandaraaskiisa, wuxuuna fursad u haystaa inuu bilaash uga tago dhamaadka xiliciyaareed kan.

Balse tababare Wenger ayaa rumaysan in kooxdiisu ay awoodo inay sii haysato Sanchez waxayna sugayaan in laacibku uu kooxda u saxiixo heshiis cusub oo uu isbuucii ku qaadanayo 300 kun oo Ginni.

PSG ayaa dhankeeda tartan ugu jirta saxiixa Sanchez balse waxaa la rumaysan yahay in dooqa koowaad ee laacibka reer Chile uu yahay ka hoos ciyaarida tababare Pep Guardiola.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close