Kooxda AC Milan oo dhigtay rikoodh taariikhi ah!

(Calabrese) 20 Agoosto 2017 – Kooxda AC Milan ayaa guul ku furatay kulan-bilowgeeda horyaalka Serie A-da Talyaaniga iyadoo 3-0 ku dhufatay kooxda Crotone oo ay marti u ahayd.

Yeelkeede, kooxda Vincenzo Montella ayaa wacdaro dhigtay marka ay timaaddo dhanka kubad haysiga iyadoo aruurisay kooxda Calabrese-ka oo ay gaarsiisay 80.1%, taasoo ah rikoodh cusub oo aysan taariikhda horay u gaarin.

Kooxda Rossoneri ayaa jebisey rikoodh ay horay uga dhigtay Serie A fasal-ciyaareedkii 2005-05.

Sida ka muuqata tirakoobkii ciyaarta, Milan ayaan kaliya ku ekaanin inay rikoodh u dhigto dhanka kubad haysiga, balse waxay sidoo kale 90.3% saxday baasaskii ay samaysay, taasoo muujinaysa tayada farsamo ee kooxda.

b5

Gool FM

Xariir La Leh

2 Comments

  1. kooxda crotone bilawgi ciyarta ayaa casaan lasiyay kadibna rigoore lagadhigay .taas macnaheeda guul weyn maha hanka kale waxa guul lagu tilmami kara tan roma iyo inter waayo roma atlanta 3 dhibcod kaso qadatay halka interna fiorentina dubatay .wanna labada koox oo kaliya ladhihi karo todobadka 1aad ayaga ugu wannagsan 20ka kooxod

  2. milan lama sadalin karo wali waayo crotone oo casan qadatay bilawgi ciyarta rigarane laga dhigay .macno weyn malaha al miino roma haa ama inter wayo labo koox oo xoogan ayey garaceen

Leave a Reply to cabdi fitaax Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close