EPL: Marcos Alonso oo ka caawiyay Chelsea guul ay ka gaartay Tottenham +SAWIRRO

(London) 20 Agoosto 2017 Daafaca reer Spain ee Marcos Alonso ayaa guul muhiim ah farta ka saaray kooxdiisa Chelsea xili ay aad ugu baahnayd guusha.

Marcos Alonso ayaa u dhaliyay kooxdiisa Chelsea 2-gool kulan ay 2-1 uga adkaatay Tottenham oo ay marti ugu ahaayeen Wembley.

24 daqiiqo Marcos Alonso ayaa laad xor ah shabaqa ku hubsaday wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

The Spaniard put Chelsea ahead with a sweet free-kick

Ciyaartoyda Tottenham ayaa weerar isdaba joog ah ku soo qaaday goolka Chelsea laakiin goolhaye Thibaut Courtois ayaa is hortaagay in kubaddu ay u gudubto shabaqiisa.

Qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 1-0  oo Chelsea ay hogaanka ku haysay.

Qaybtii labaad Tottenham ayaa weerarka halkeeda ka sii waday, laakiin kubadd walba waxay ku dhamaanaysay dhanka goolhaye Thibaut Courtois.

Michy Batshuayi had a nightmare as he scored an own-goal

82 daqiiqo Michy Batshuayi ayaa si kama’a ah gool isaga dhaliyay kadib laad xor ahaa oo uu soo qaaday Eriksen, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-1.

The striker thought he had blown his teams chances of winning

88 daqiiqo Marcos Alonso ayaa isla markiiba hogaanka dib ugu soo celiyay Blues kadib markii uu shabaqa dhex dhigay kubadd uu ka helay Pedro Rodriguez, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-1.

Ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 1-2 oo guushu ay ku raacday kooxda tababare Conte.

Alonso stepped up to fire in a late winner for the Blues

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close