SERIE A: JUV VS CAG 3-0…Juve oo ku badisay ciyaar taariikhda gashay + Sawirro

(Torino) 19 Agoosto 2017 – Juventus ayaa 3-0 ku xaaqday kooxda Cagliari kulan-bilowga horyaalka Talyaaniga, balse Gigi Buffon ayaa badbaadiyay rigoorihii ugu horreeyay ee Serie A lagu dhigo hannaanka VAR.

Mario Mandzukic ayaa dhaliyay goolkii 1-aad ee fasal-ciyaareedka, isagoo raaciyay dadab uu soo dhigay Stephan Lichtsteiner, halka ay goolasha kale ku qaaraameen Paolo Dybala iyo Gonzalo Higuain.

Kulankan ayaa taariikhda galay kaddib markii Alex Sandro uu tafay Duje Cop kaasoo uu kaliya arkay hannaanka Muuqaalka Kaalinta Garsoorka ee Video Assistant Referee, balse Buffon ayaa rigoorihii la dhigay ka duubay Diego Farias, taasoo ah rigooradii ugu horreeysay ee qaabkan lagu dhigo.

Juve ayaa sidoo kale kulan-bilowgoodii Serie A saftay laacibiinta Blaise Matuidi iyo Douglas Costa, iyadoo qaybihii dambe tijaabisey shaxda 4-3-3.

b b1 b2 b4 b5 b6 b7 b8 b9 b10 b12 b13 b14 b15 b17 b18 b19 b20 b22 b23 b24 b25 b26 b27 b28 b29 b30 b31 b34

b8

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close