Pogba oo daaha ka rogay wixii uu Garsooraha ku yiri mar uu Kaarka Cas u taagi gaaray

pogba

(Manchester) 19 Agoosto 2017. Manchester United ayaa 4-0 ku xaaqday kooxda Swansea City ciyaar uu Pogba ku sigtay in loo taago kaarka cas.

Ciyaarta oo ahayd 0-0 daqiiqadii 26-aad, laacibka labaad ee ugu qaalisan kubbada cagta adduunka ayaa qalad ku galay Tom Carroll waxaana loo taagay Kaarka Jaalaha.

Afar daqiiqo uun kaddib Pogba ayaa qalad kale ku galay Martin Olsson iyadoo xiddigaha iyo taageerayaasha Swansea City ay ku qeylinayeen in la siiyo kaarka labaad si garoonka looga saaro.

Nasiib wanaag garsoore Jon Moss ayaa digniin uun  u soo jeediyay xiddiga reer France.

Pogba oo daaha ka rogay wixii uu garsooraha ku yiri ciyaarta kaddib ayaa yiri:

“Qaladkii hore wuxuu ahaa Jaale.

Pogba protests his innocence to Moss after this encounter with Swansea midfielder Leroy Fer

“Cadaadis badan ayaa na saarnaa waqti fiicana kuma aynaan jirin sida darteed waxaan galeynay qaladaad nacasnimo ah.

“Kii labaad aniga ahaan ma ahayn qalad.

“Markii uu garsooraha u yimid inuu ila hadlo. Waan la qoslay waxaana ku iri ‘Makaa dhab baa?’

“Wax fiican ayay ahay waayo ima uusan siin kaarka cas, haddii aan qaadan lahaa kaarka cas innagoo sidaan u ciyaareyno way nagu adkaan lahayd, shaqo wayn ayaan qabanay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close