Kylian Mbappe iyo tababaraha Monaco oo isku dhacay…(Laacibka oo laga ceyriyay…)

Monaco's French forward Kylian Mbappe Lottin (R) is congratulated by Monaco's Portuguese coach Leonardo Jardim as he leaves the pitch during the French L1 football match Monaco (ASM) vs Nantes (FCN) on March 5, 2017 at the "Louis II Stadium" in Monaco.   / AFP PHOTO / VALERY HACHE

(Monaco) 19 Agoosto 2017. Kylian Mbappe ayaa laga saaray tababarka kooxda iyadoona loo diray gurigiisa kaddib markii ay isku dheceen tababaraha kooxda ee Leonardo Jardim.

Sheekada ayaa waxay sii karineysaa shakiga laga qabo inuu ku sii jeedo kooxda PSG oo lacago qaali ah ku dooneysa.

Inkastoo ayba jiraan warar tibaaxaya in camaaliqada reer France ee PSG ay kol horeyba dhammeystirtay heshiiska ay kula wareegeyso dhaliyaha kooxda Monaco ee Mbappe.

Kylian Mbappe was left out of the squad for Monaco's Ligue 1 clash with Metz

Real Madrid iyo PSG yaa ku loolamayay saxiixa weeraryahanka u dhashay Faransiiska laakiin jariiradda Mundo Deportivo ayaa warineysa in kooxda PSG ay heshiis la gaartay laacibka iyadoona goor dhow si rasmi ah loo shaacin doono.

Waxay intaa wararku ku dareen in Mbappe laga reebay shaxdii ay Monaco kala hortagtay Metz, maadaama gurigiisa loo diray kaddib markii ay isku dheceen tababare Leonardo Jardim.

Leonardo Jardim is understood to have sent Kylian Mbappe home from training

Jardim ayaa isagu si kasta isugu dayay sidii uu ku sii heysan lahaa 18-jirka balse waxay u muuqataa in dagaalka looga adkaaday.

Monaco oo iyadu wacdaro dhigtay kal ciyaareedkii tagay kaddib markii ay ku guuleysatay horyaalka Faransiiska isla markaana ay soo gaartay semi final ka Champions League ayaa waxaa horey uga tagay Bernardo Silva iyo Benjamin Mendy oo ku biiray Manchester City, halka uu Tiemoue Bakayoko sal dhigtay Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close