EPL: Jese Rodriguez oo ka caawiyay Stoke City guul ay ka gaartay Arsenal +SAWIRRO

(Stoke) 19 Agoosto 2017 Stoke City oo guul daro ay ka soo gaartay furitaankii horyaalka kooxda Everton ayaa 1-0 uga adkaatay Arsenal oo marti u ahayd.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay qaab caajis ah maadama labada kooxoodba weerarkoodu uu ahaa mid ku dhamaanayay qadka dhexe iyo afka hore ee diilinta ganaaxa.

Arsenal ayaa fursado badnayd qaybtii hore ee ciyaarta, laakiin uma suurogalin inay si toos ah u beegsadaan goolka.

Qaybtii hore ayaana lagu kala nastay barbar dhac goolal la’aan ah.

Bilowga qaybtii labaad, saxiixa cusub ee Stoke City Jese Rodriguez ayaa hogaanka farta ka saaray kooxdiisa, wuxuuna ka dhigay 1-0.

Arsenal ayaa kadib hurdada ka toostay waxayna sameeyeen fursado badan si ay u gaaraan shabaqa goolhaye Butland.

66-daqiiqo Welbeck ayaa ku dhawaaday inuu goolka barbaraha u dhaliyo Arsenal laakiin goolhaye Butland ayaa banaanka uga saaray kubadda.

72-daqiiqo Lacazette ayaa gool u dhaliyay Arsenal laakiin calanwadaha ayaa tilmaamay inay tahay garab dhaaf, taas oo muran ay ka keeneen ciyaartoyda Gunners.

Arsenal ayaa halkeeda ka siiwaday weerarka laakiin ciyaartoyda Stoke City oo ciyaar maskaxeed la ciyaarayay ayeey dhaafi waayeen, ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 1-0 o ay guushu ku racaday Stoke.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close