Barcelona oo u weecanaysa saxiixa Di Maria iyo Jean Seri kadib markii lagu adkeeyay Coutinho iyo Dembele

Image result for Di Maria y Jean Seri

(Barcelona) 19 Agoosto 2017 Kooxda Barcelona ayaan waqti badan ku lumin doonin saxiixa Coutinho iyo Dembele sida ay baahisay Sport.

Barcelona ayaa isku dayday saxiixa labadaan laacib balse kooxaha Liverpool iyo Borussia Dortmund ayaa diiday inay si fudud oo wada xaajood leh uga iibiyaan ciyaartoydaan.

Kooxda reer Catalonia ayaana u weecan doonta soo xerogalinta laacibka Nice ee Jean Seri kaas oo lagu naynaaso Xavi-ga cusub.

Sidoo kale kooxda ayaa isku dayi doonta saxiixa Di Maria kadib markii PSG ay soo muujisay in laacibka reer Argentina uusan mustaqbal fog ku lahayn caasimada faransiiska.

Di Maria qudhiisa ayaa doonaya inuu ka tago PSG maadama uusan diyaar u ahayn inuu keydka u fadhiyo Neymar.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close