Bal adigu DAAWO oo go’aami, Garab dhaaf miyuu ahaa goolkii Lacazette?

(Stoke) 19 Agoosto 2017 Taageerayaasha Arsenal ayaa ka carooday go’aanka calanwadaha kulankii 1-0 ku soo idlaaday goor dhaw.

Baraha bulshada ayaa hal mar laga qaylo dhaamiyay kadib markii la diiday gool sax ahaa oo uu Lacazette u dhaliyay Arsenal balse calanwaduhu uu u maleeyay garab dhaaf sida ay ku doodayaan.

Wariyaha Daily Mail ee Piers Morgan oo taageere u ah Arsenal ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in Lacazette uu 40 Millimetr oo dhanka ciribta ah uu uga jiray Garab dhaaf.

Balse taageerayaasha Arsenal ayaa muujiyay inaysan ku qanacsanayn goolkii la diiday maadam aysan ka muuqan calaamad Offside ah.

Dhanka kale khabiirka dhanka garsoorka ee beIN SPORTS Jamaal Shariif ayaa sheegay in Lacazette uu ku jiray Garab dhaaf gaar ahaan dhanka lugta balse kubadda oo ku dhacday daafac ka tirsan Stoke ayuu sheegay in calanwadaha ay ka caawisay inuu soo saaro Offside-ka.

BAL ADIGU DAAWO OO GO’AAMI GOOLKAAN:

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close