RASMI: Blaise Matuidi oo ku biiray kooxda Juventus + Sawirro & Muuqaal

(Torino) 18 Agoosto 2017 – Juventus ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay la soo wareegtey laacibkii khadka dhexe uga ciyaarayay Paris Saint-Germain ee Blaise Matuidi, oo ay kasoo bixiyeen €20m iyo bareemiyo.

Laacibkan caalamiga ah ee reer Faransiis ayaa caafimaadka Arbacadii iyo Khamiistii u maray Bianconeri iyadoo haatan si rasmo ah loogu dhawaaqay heshiiska.

“Juventus Football Club S.p.A waxay ku dhawaaqaysaa inay la heshiisey Paris Saint-Germain oo ay kasoo qaadatay Blaise Matuidi oo heshiiskiisa lagu dhameeyay € 20m oo la kala bixin karo 3 kal-dhaqaale,” ayaa lagu dhigay webka rasmiga ah ee Juve.

Matuidi ayaa Juventus kula joogaya qandaraas 3 sano ah oo taxnaan doona tan iyo Juunyo 30 2020, isagoo qaatay lambarka 14-aad.

 b b1 b2 b3b
Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close