Nikola Kalinic oo ay shahaado caafimaad la gashay si uu….

(Firenze) 18 Agoosto 2017 – Qannaaska Nikola Kalinic ayaa lasoo werinayaa inuu qaadi doono isla dhabbihii saaxiibkii ay Fiorentina wada joogeen ee Federico Bernardeschi isagoo kooxdiisa u keenaya shahaado caafimaad oo caddaynaysa inuu jirran yahay.

Sky Sport Italia ayaa shalay baahiyay in laacibka Kalinic uu diidey inuu la tababarto kooxdiisa Fiorentina, wuxuuna hadda hilinku sheegayaa inuu laacibku u qiil samayn doono maqnaanshihiisa.

Bartilmaameedka AC Milan ayaa daliishan doona inuu la daalaa dhacayo ”diiqad” si loo siiyo fasax shan maalmood ah, taasoo ah wixii uu horay u sameeyay Bernardeschi oo kooxdiisa u keenay shahaado caafimaad,  isagoo Viola ku khasbayay inay u fasaxdo Juventus.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close