HESHIIS DHACAY: Inter & Valencia oo isku afgartay isku bedelashada Geoffrey Kondogbi iyo Joao Cancelo

(Milano) 18 Agoosto 2017 – Is dhaafsiga labada laacib ee Inter Milan jaalle Geoffrey Kondogbia iyo dhiggiisa Valencia ee dadabka midig Joao Cancelo ayaa la sheegayaa in ay dhamaad ku dhowdahay.

Sida ku qoran Gazzetta dello Sport, labada naadi ayaa is waydaaran doona 48-ka saacadood ee soo aaddan, kaddib markii waxyaabo badan la dhameeyay maalintii shalayto.

Waxay labada koox ku kala tegi doonaan sanad amaah ah iyadoo kaddib ay Inter €30m ku wada qaadan karto Cancelo halka Valencia ay Kondogbia ku heleyso €25m.

Gazzetta ayaa Portuguese-kan ku sheegay ”xiddig” dadab buuxa ah isla markaana weerartama, isagoo leh cago fiican, jir xooggan iyo baas toosan.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close