“Hal guul oo 4-0 ah nagama dhigayso kooxda ugu fiican ingiriiska” – Jose Mourinho

(Manchester) 18 Agoosto 2017 Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa ka soo horjeestay wararka kooxdiisa ka dhigaya tan ugu fiican ingiriiska xiliciyaareed kan.

Manchester United ayaa 4-0 uga adkaatay kooxda West Ham United kulankii furitaanka horyaalka ingiriiska.

Laakiin Jose Mourinho ayaa sheegay inuu yahay tababare leh khibrad sare, wuxuuna intaa ku daray in hal guul oo kooxdiisu ay gaartay aysan ka dhigayn kooxda ugu fiican ingiriiska.

“Waxaan leeyahay khibrad igu filan taas oo aan iga dhigayn inaan aamino inaan nahay kooxda ugu fiican ingiriiska ama kooxda u sharaxan hanashada horyaalka kadib hal guul oo 4-0 ah” ayuu yiri Mourinho oo qabtay shirka jaraa’id ee ka hor kulanka Swansea City.

“Ma nihin kooxda hogaanka u haysa hanashada horyaalka mana nihin kooxda riyada kaliya waxaan nahay koox haysata kalsooni badan xiliciyaareed kan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close