AC Milan oo xalay Yurub ka dhigtay sheeko ay ugu dambaysay 24 sano kahor & Hakan Çalhanoglu oo u dabbaaldegey!! + Sawirro

(Milano) 18 Agoosto 2017 – Hakan Çalhanoglu oo u dhashay Turkiga ayaa xalay ka mid ahaa laacibiintii wacdaraha ka dhigay kulankii ay AC Milan 6-0 uga badisay Shkendija.

Hakan Çalhanoglu ayaa boggiisa Instagram soo dhigay sawir muujinaya isaga iyo saaxiibkiisa ay sanadkan isla yimaadeen Milan ee André Silva oo wada dabbaal degaya isagoo raaciyay kabshan u akhrismaya: ”Waxaannu ku badinnay gurigeenna”.

RIKOODHADII XALAY – Markii ugu dambaysay ee ay Rossoneri hal ciyaar 6 gool Yurub ka dhaliso waxay ahayd Oktoobar 1993-kii oo ay xaaqday FC Copenhagen.

Riccardo Montolivo ayaa kusoo noqday jidkii gooldhalinta Milan, iyadoo laacibka Rossoneri markii ugu dambaysay gool uu dhaliyo ay ku beegnayd 13 Abriil 2014 markaasoo Montolivo uu ahaa dhaliyaha 1-0 ay ku badiyeen, taasoo ka dhigan inuusan gool dhalinin 1222 maalmood.

B49 B40 B44 B34 B31 B30 B7

B29

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close