Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo Siminaar u soo xeray wariyaasha Isboortiga+SAWIRRO

(Muqdisho) 17 Agoosto 2017 Siminaar heerkiisu sareeya oo loo qabtay 27 wariye ayaa lagu soo gaba gabeeyay hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

U jeedka aqoon kororsiga ayaa ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa tayada wariyaasha Isboortiga ee ka howl gala Soomaaliya, waxa uuna socday laba maalin.

Siminaarka  waxaa bixinayay  Shaafici Islow oo qeybta warbaahinta u fadhiya xiriirada kubadda cagta Soomaaliya iyo kan Jabuuti kana tirsan ururka saxafiyiinta Isboortiga aduunka , Tifaftirihii hore ee BBC Somali Cabdiraxmaan Koronto iyo Junior Binyam  oo ah madaxda warfaafinta ee CAF

Siminaarka waxaa soo qaban qaabiyay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya,  waxaana madaxda ugu sareysa xiriirka ay ku amaaneen wariyaasha Isboortiga oo ay ugu horeeyaan kuwa ka shaqeeya  Gool FM, sida  hagar la’aanta ah  ay waqti u siiyaan hormarinta kubadda cagta Soomaaliya.

Labada maalin uu socday Siminaarka ayaa wariyaasha lagu baray qeybo kala duwan, waxaana ugu muhiimsan halka ay ka leeyihiin garoomada markii ay safar u raacaan koox ama qaranka Soomaaliya, ama  tartamada ay qabtaan xiriirka ,sido kale qeybaha tafaftirka iyo qormooyinka maqaalada.

Class on (1) Class on IMG_2566 IMG_2572 IMG_2575 IMG_2597 IMG_2624 IMG_5616 IMG_5625 IMG_5629 IMG_5632 IMG_5648 IMG_5654 IMG_5671 IMG_5681 IMG_5686 IMG_5688 SFF president Abdiqani Said Arab SFF Senior vice president Ali Abdi Mohamed (1)

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close